Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada caasimadda ah ee Algiers, dalka Algeria.
Soo dhaweynta Wasiirka ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas ku qaabilay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Xiriirka Arrimaha Bulshada, Qoyska iyo Haweenka ee Algeria, Marwo Zahira Shadhah, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa dalka Algeria uga qeyb galaya Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta, kaas oo si rasmi ah uga furmi doona magaalada Algiers.
Inta uu shirku socdo, Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona madaxda iyo wafdiyada ka qeyb galaya shirweynaha, si loo xoojiyo iskaashiga ku saleysan horumarinta arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha dalalka Carabta.