Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo magacaabay xilal Cusub

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu hal mar Maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda ayuu u magacaabay C/qaadir Axmed Warsame in uu noqdo kaasi oo horey u ahaa Agaasimaha Wasaaradda halka Agaasimaha guud ee Wasaaradda uu u magacaabay Asad Yuusuf Afrax,oo ahaa la taliyihiisa.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Jamaal ayaa sameeyay Magacaabistii ugu horreysay tan iyo Markii uu xilka qabtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor