HomeWararWasiirka Maaliyadda Puntland oo mar kale hor tagay Golaha Wakiillada  

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo mar kale hor tagay Golaha Wakiillada  

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2022 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2022 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland, Xassan Shire Cabdi ayaa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Wakiillada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyadda 2022.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11%  marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts