Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo su’aalo la weydiiyay

Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska  iyo xubno kale Wasaaradda ka tirsan.

Wasiirka, ayaa ka warbixisay shaqooyinka Wasaaradda, qorsheyaasha waxqabad iyo weliba caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha shaqo ee Wasaaradda Haweenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddiga ayaa masuulyiinta Wasaaradda shirka kula qaatay Aqalka Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor