Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda.
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo La-falgalka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada dhismaha guddiga, muhiimaddiisa iyo doorka uu ku leeyahay xilligan kala guurka ah ee dalka uu wajahayo dib u xoreynta iyo la-dagaalanka argagixisada.
Mudane Gurbiye ayaa xusay in guddigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay isku xirka hay’adaha dowladda ee heerar kala duwan si loo mideeyo fariimaha iyo ajandeyaasha dowladda, korna loogu qaado wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta howlaha xasilinta.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa bogaadiyay shaqada guddiga, isaga oo warbixin ka bixiyay howlgalada socda ee lagu beegsanayo haraadiga argagixisada. Wuxuu tilmaamay doorka muhiimka ah ee guddigan ku leeyahay taageeridda gulufka socda iyo muujinta guulaha la gaaray.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta ay warbaahinta qaranku ku leedahay abaabulka bulshada, ka hortagga dacaayadaha argagixisada, dhiirrigelinta guulaha ciidanka qalabka sida iyo muujinta waxqabadka dowladda. Wasiirku wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada socda, loona diyaar garoobo wajiga kama dambeyska ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.