Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland oo loo diiday in uu galo deegaan ka tirsan Puntland

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar) loo diiday in uu galo Magalada Badhan ee Gobolkaasi Sanaag.

Wasiirka ayaa sida aan wararka ku helnay maalmahaan waxa uu ku sugnaa magaalada la yiraahdo Hadaaftimo halkaasi uu kulamo kula qaatay waxgaradka Magaaladaas,balse mar uu doonayey in uu u gudbo Magalada Badhan ay kahor-istaageen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo halkaasi ku sugan.

Wasiir Ciise Xanwar ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Magalada Badhan,waxana haatan socota waan waan ku aadan sidii uu Wasiirku ku tegi lahaa halkaas,iyada oo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku adkeysanayaan in uusan Magaaladaas geli Karin.

Sikastab arrinaaan ayaa kusoo aadeysa xilli xiisad dagaal oo u dahxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland weli ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo badi dadkii deganaa ay barakaceyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media