Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya ee Jamaalu-diin.
Kulanka dhexmaray Wasiir Xasan Xuseen iyo Safiir Jamaalu-diin ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan Is-barasho, isla markaana looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada Mas’uul ayaa isla gartay in la sii wado wadashqeynta ka dhexeeysa labada dowladooda ee ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda uu Safiirka ugu mahadceliyay booqashii uu ugu yimid.
Kulanka dhexmaray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Amb. Jamaalu-diin ayaa waxaa ka qeyb ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba kulanka labada Mas’uul ayaa kusoo aadayaa, iyadoo dowladda Itoobiya inay dalka Soomaaliya kala baxeyso 3 kun oo Askari oo qeyb ahaa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.
Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhan ah Gobolka Tigree-ga ee ka socda Waqooyiga dalkaas oo galay maalintii 10-aad, waxaana dagaalkaas ka dhacay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.