• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku dhawaaqay Dallacaad iyo Abaalmarin Saraakiisha Ciidanka Xoogga

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 20, 2024
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Wasiirka Gaashaandhigga oo ku dhawaaqay Dallacaad iyo Abaalmarin Saraakiisha Ciidanka Xoogga
29
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in inta lagu guda jiro dagaalka dalka looga saarayo AS, la dallacsiiyay saraakiil badan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa kalena la abaal marin doono dhowaan.

Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirrigelinayay Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa ammaanay kartida iyo dhabar adayga ay muujinayaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in dallacaaddu ay tahay qeyb ka mid ah abaalmarinta ay mudan yihiin saraakiisha ku guuleystay howlgalka.

“Intii lagu guda jiray dagaalka, waxaan dallacsiinnay saraakiil badan oo ku sifoobay naf hurnimo iyo ka go’naansho ay kaga hortageen cadawga. Kuwa harayna dhowaan waxaa la siin doonaa abaalmarin ay u qalmaan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dallacaaddu aysan ku koobnayn Muqdisho, balse ay gaartay dhammaan saraakiisha howlgallada ka wada gobollada dalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay geesiyaal u dhabar adaygay difaaca dalkooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, oo isna ka hadlay munaasabadda, ayaa xusay in dallacsiinta iyo abaalmarinta ay yihiin geeddi socod muddo soo socday, ayna sii wadi doonaan qiimeynta iyo abaalmarinta saraakiisha ku wanaagsan kartida iyo waajib gudashada.

Sareeyo Gaas Odowaa Yuusuf Raage, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa dhankiisa sheegay in saraakiisha la dallacsiiyay ay si hufan u guteen waajibaadkooda Qaran, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Qaranku uu aqoonsan yahay cid kasta oo si daacad ah u gudata mas’uuliyadda saaran.

Munaasabaddan ayaa noqonaysa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu dhiirrigelinayo saraakiisha iyo ciidamada ka shaqeynaya sugidda amniga iyo nabadda dalka, iyagoo mar kasta loo aqoonsanayo dadaalkooda iyo halganka ay ugu jiraan xasilloonida Soomaaliya.

Previous Post

Turkey to Begin Oil Exploration in Somalia

Next Post

Somali National Army Seeks New Recruits for Exclusive Overseas Training

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post
Somali National Army Seeks New Recruits for Exclusive Overseas Training

Somali National Army Seeks New Recruits for Exclusive Overseas Training

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00