Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.

Wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wafdiga Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ay hordhac u yihiin safar Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo magaalada Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye Odawaa ayaa Caawa kulamo la qaadan doona Saraakiisha maamulka Jubbaland, iyagoona ka wada hadli doona bilaabida howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo la bilaabayo Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor