Wasiirka Cusub ee Waxbarashada oo Xilka la wareegay (Sawirro)

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkii kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.

1 2 3 4 5

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor