Wasiirka Cusub ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo kulan la qaatay madaxda shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xarunta wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay madaxda shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Ugu horeyn Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey shaqada ay shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka.

“Sida aan la socono adduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahan tihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan, waa fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri wasiir Jaamac.

Madaxda Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa ka mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.

Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor