Wasiirka Cusub ee amniga oo xilka loo dhaariyay Maanta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Dhaarinta Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka hor yimid Magacaabista Wasiirkaan Cusub,sidoo kalena waxaa uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor