Wasiirka Caddaaladda Maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal adag oo uu soo saaray ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay si bareer ah ugu tumaneyso dastuurka dalka, kana weecatay dariiqii dowladnimo iyo midnimo qaran.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku bilaabay hadallo si toos ah ugu jeediyay hoggaanka dowladda dhexe, isagoo yiri:
“Wasiir 3 sano ayaa la idinka waayey, walaalayaaloow talada dhulka dhiga, dalkaan waan wada leenahe. Dastuurka dalka iyo dowladnimada kufsiga ka daaya, jidkaad ku socotaana ka jooga, horaa loogu jabaye.”
Qoraalkiisa oo si qoto dheer u taabanaya khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, ayuu Wasiir Maxamed Cabdi Wahaab ku soo bandhigay afar qodob oo uu sheegay inay yihiin furaha lagu soo celin karo wada-shaqeynta iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed:
-
Soo noqoshada Dastuurka Federaalka ee 2012 – Wasiirku wuxuu sheegay in dastuurkaasi yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada, islamarkaana laga leexday.
-
Gogol Wadatashi Qaran oo Dhab ah – Wuxuu sheegay in Madasha Wadatashiga Qaran (NCC) lagu bedelay “xisbi gaar ah,” taasoo dhaawac ku ah dheellitirka siyaasadeed.
-
Doorasho Qaran oo Heshiis Lagu Yahay – Wasiirku wuxuu ku baaqay in dalka loo gudbiyo doorasho qaran oo xor iyo xalaal ah, si meesha looga saaro xaaladda kumeel-gaarka ah.
-
Aqoonsiga Doorashadii Jubbaland – Waxa uu ugu baaqay dowladda dhexe iyo Puntland inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay “duulaanka siyaasadeed” ee ka dhanka ah Jubbaland, taasoo uu sheegay inay dhaawacayso nidaamka federaalka.
Qoraalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka uu marayo heerkii ugu xumaa, halkaas oo labada dhinac ay si isa soo taraysa isugu tuurayaan eedeymo culus.
Doodaha iyo baaqyada ka imaanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo indhaha shacabka Soomaaliyeed ay ku jeedaan sida ay u wajahi doonaan madaxda Soomaaliyeed arrimaha taagan ee mustaqbalka dalkooda saameynaya.