Wasiirka Beeraha Kenya oo dalab ku saabsan khaatka u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya, ayaa qoraal uu bartiisa twitterka ku baahiyay ku sheegay in kulan isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga uu kala hadlay kordhinta dhoofinta khaatka ee la geeyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in labada dowladood looga baahanyahay in ay meesha ka saaran caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca ganacsiga khaatka.

“Waxaan galabta kulan wada tashi ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shirka 46-aad ee Golaha Maamulka Horumarinta Beeraha Adduunka (IFAD). Waxaana hiigsaneynaa in aan kordhino dhoofinta khaatka ee loo dhoofiyo Soomaaliya iyo dalalka kale, sidoo kalana aan meesha ka saarno caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca warshadaha jaadka.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor