Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle oo magacaabay laba mas’uul cusub (Wareegto)

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan loogu magacaabay inuu noqdo Cabdikaafi Shire Colaad, kaasi oo bedelaya mas’uulkii isaga ka horreeyey.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Cawil Nuur Yuusuf u magacaabay Xoghayaha degmada Matabaan.

Wasiirka ayaa faray dhammaan hay’addaha kala duwan ee degmada iyo kuwa Hiiraan inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Wasiirka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor