Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Omar Jama (Huruse), ayaa la kulmay wafti ka socdey hay’adda IOM oo ay hoggaamineysey Ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM Miss Amy Pope. Waxaa kale oo waftiga ka mid ahaa la taliyaha khaaska ah ee ku xigeenka Xoghayaha guud Ms. Kristin Dadey, Madaxa Bariga Africa MR. Mohammed Abdiker, la taliyaha Madaxa Bariga Africa Mr. Said Sheikh Abdi iyo Madaxa hay’adda u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka oo aad muhiim u ah ayay uga wada hadalayn dar-dar gelinta hawlaha ay hay’addu ka hayso dalka Soomaaliya, sida tayeynta shaqaalaha iyo hay’addaha dawladda, xirfad iyo shaqo u abuurista barakcayaasha iyo qaxootiga, ka caawinta bulshada arrimaha waxbarashada, isku xirka qurba joogta iyo fududaynta sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen shacabka, wax ka qabashada arrimaha abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor