Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiir muddo xileedkiisu dhammaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah hadimo sharafeed ugu sameeyay Muqdisho, Mudane Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo muddo xileedkiisa shaqo uu ka dhammaaday.

Wasiirka uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay howsha weyn ee uu ka qabtay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo guddoonsiiyay abaalmarinno xusuus.

Soomaaliya waxa ay la leedahay Shiinaha xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah iyo iskaashi istiraatiiji

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor