Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay in uu la yeelan doono wadahadallo muhiim ah madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kuwaas oo diiradda lagu saari doono caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha ka jira gobolka.
Wadahadallada ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhalatay weerar uu Mareykanku dhawaan ku qaaday xarumo nukliyeer ah oo Iran leedahay. Ruushka ayaa si adag u dhaleeceeyay tallaabada Mareykanka, iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Washington ay “furay sanduuqa Pandora”.
Inkasta oo la filayo in Madaxweyne Putin uu muujiyo taageero diblomaasiyadeed oo ku wajahan Iran, haddana taageero milatari oo toos ah kama muuqato miiska – maadaama dagaalka Ukraine uu hadda yahay mudnaanta koowaad ee Kremlin-ka.
Inkastoo Ruushka iyo Iran ay wadaagaan heshiis iskaashi istiraatijiyadeed, haddana ma jiro heshiis difaac oo Moscow ku qasbaya inay siiso Tehran taageero milatari.
Madaxweyne Putin ayaa toddobaadkii hore sheegay in Iran aysan si toos ah u codsan gargaar milatari, isagoo muujiyay in Moscow aysan ku degdegeynin inay faragelin milatari ku sameyso xiisadda taagan.
Kremlin-ku wuxuu doonayaa inuu sii haysto dheelitirka xiriirka uu la leeyahay labada dhinac – Iran iyo Israel – iyo sidoo kale inuu dhiso iskaashi dhow oo uu la yeesho maamulka Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.