Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, ayaa xaqiijiyay in wareeggii xigay ee wadahadallada la qorsheeyay Axadda maanta ah uusan qabsoomi doonin.
“Wadahadallada Iiraan ee lagu balansanaa in lagu qabto magaalada Masqaad Axadda ma dhici doonaan,” ayuu Wasiirku ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X (hore Twitter). “Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyadda iyo wadahadalku waa waddada keliya ee lagu gaari karo nabad waarta,” ayuu raaciyay.
Dhawaan, Khamiistii lasoo dhaafay, Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka digay in tallaabo militari oo Maraykanku qaado ay si buuxda u baabi’in karto wadahadallada u socda Tehran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Trump ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaal ugu jiray sidii loo heli lahaa heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, balse ilaa iyo hadda laguma guuleysan in la gaaro is afgarad rasmi ah.