Cairo, March 08, 2015 -Â Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa gaaray maanta Magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar , si uu uga qeybgalo Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo beri oo Isniin ah ka furmi doona Xarunta Jaamacadda Carabta .Dr. Abdusalam Hadliye ayaa ka jeedin doona khudbad fadhiga Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta oo uu kaga hadli doono horumarada ay ku dhaqaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 .
Waxaa la qorsheeyay in Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ay kaga hadlaan kulankooda arrimaha ka taagan wadamada Soomaaliya , Libya , Syria , Yemen iyo Palestine, waxa ayna u gogol xaari doonaan shir madaxeedka carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharm el-Sheikh 28-29 bishan March  . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeelan doona qaar ka mid ah Wasiirada iyo danjirayaasha shirkaasi lagu casuumay , oo uu kala hadli doono danaha Soomaaliya kala dhaxeeya dowladahaasi. Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee WasaaraddaÂ
|