Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland la kulmay Wax-garadka Laascaanood

Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kulan balaaran la qaaatay Madaxda dhaqanka iyo Haldoorka Magaalada Laascaanood, waxaana inta kulankaasi socday diiradda lagu saaray Arrimo dhowr ah oo ku aaddan Xaaladda Gobolkaasi, gaar ahaan dhibaatooynkii ka dhacay Magaaladaasi.

Kulan ayaa qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, waxaana lagu falanqeeyey sidii looga wada shaqayn lahaa adkayn  Amniga Magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool, iyadoo laga wada shaqaynayo ama la iska kaashanayo Xukuumadda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed KaahinAxmed, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland, guddomiiyaha Degmada Laascood, Xildhibaano iyo iyo masuuliyiin kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor