Wasiirka Amniga oo la kulmay wasiirada Aw-qaafta heer federaal iyo heer dowlad goboleed

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS iyo Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulankaan waxaa ujeedadiisu ahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Awqaafta, heer federaal iyo heer dowalad goboleed,gaar ahaan dadaalada ku aaddan hawlgallada dalka ee looga soohor jeedo Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe”  waxa uu bogaadiyay kaalinta hormuudnimo ee Wasaaradda Awqaafta ay ka qaadaneyso jiheynta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor