Wasiirka Amniga oo ka hadlay Banaanbixii ka dhacay Muqdisho fariina diray

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Xundubey oo si toos ah shacabka ugala hadlay Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii ka dhacay Caasimadda ay soo abaabuleen dad wax-ma-garato oo aad u liita, waa sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay Wasiirka amniga in wixii dhacay ay ahaayeen wax looga horjeedo amniga Muqdisho, isla markaana laamaha amniga dowladda aan lagu soo wargelin wax banaanbax oo si nabad ah looga dhigayo, hayeeshee dad aan waxba ogeyn ay dhigeen.

Sidoo kale Wasiir Xundubey ayaa tilmaamay in banaanbixii dhacay lagu arkay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah oo uu xusay inay yihiin kuwo lasoo abaabulay, isla markaana lagu soo duulay amniga oo la doonayo in la abuuro Colaad.

“Wixii shalay dhacay waxay ahaayeen falal amniga looga horjeedo oo wax-ma-garad la soo abaabulay oo iyagoo weliba qoryo wata jidadka lasoo tubay. taa macnaheedu waxa waaye in Ammaanka lagu soo duulay iyo in colaad la buray, lana dayacay shaqada amniga” ayuu yiri Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Xasan Xundubey Jimcaale ayaa waxaa uu ka digay in banaanbaxyo la mid ah kuwii shalay dhacay in mar kale lasoo abaabulo, isla markaana waxaa uu caddeeyay in dadkii ka dambeeyay falkaas sharciga la horgeyn doono.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay banaanbixii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo, waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay rasaas ku fureen dadkii ka dhigayay banaanbaxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media