Wasiirka Amniga iyo Taliye Odawaa oo ka shiray qorshaha xasilinta deegaanada la qabsaday

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Sheekh Cali Doodishe ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa ka qeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor