Wasiirka A/Gudaha dowladda oo kulan la qaatay Hoggaanka Sare ee Ahlusunna

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay arrin ah sidii loo xalin lahaa tabashada Ahlusunna ay ka qabto Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo dowladda Federaalka ay Magacaawday.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo Hoggaanka Ahlusunna ay heshiis hordhac ah ka gaareen arrinta Guddiga Farsamada, isla markaana la isla gartay in meesha laga saaro tabashadii ay Ahlusunna ka qabtay Guddiga dhismaha Galmudug.

Ahlusunna Waljameeca ayaa dhawaan ka hortimid Guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, iyadoo ku tilmaamtay magacaabistiisa inay tahay mid aan sharci aheyn oo baalmarsan Dastuurka Dowladda iyo kan dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale magacaabista Guddiga ayaa waxaa qaadacay qaar kamid ah Mushariinta u taagan qabashada Madaxweynaha Galmudug,waxaaan ay sheegeen in xubnaha ku jira Guddiga ay yihiin shaqaalo ka tirsan dowladda oo ka shaqeeya Xafiisyada Madaxda ugu sarreysa dalka.

Si kastaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Sopmaaliya aya magacaawday Guddiga farsamada Maamul dhisida Galmudug,kuwaasi oo looga fadhiyo inay soo dhisaan Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media