Wasiir Xundubey oo lagu Eedeyay inuu sharci darro ka dhigay Qodob dastuuri ah

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa sii-hayaha xilka Wasiirka Amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale ku eedeyay inuu sharci darro ku tilmaamay qodbobka 20-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.

Xildhibaan Odawaa oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Wasiir Xundubey uu khilaafkay qodbobka 20-aad ee dastuurka, kadib markii uu sharci darro ka dhigay banaanbax nabadeed oo lagu wado inuu ka dhacao Muqdisho oo ay abaabulayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

“Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay dastuurka  waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaamay in haddii Ciidanka amniga fuliyaan go’aankii dowladda Federaalka ku joojisay banaanbax ka dhaca Muqdisho dhibka ka dhasha uu mas’uul ka yahay Wasiir Xundubey oo go’aan kaas Maanta warbaahinta ka shaaciyay

“Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay  ciidamada Booliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhibka  ka dhashaa   cidda masuulka ka ah waa Xundubeey.
Waxaana  xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne  waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn  mid u cuntanta” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Xildhibaan Odawaa.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in wax banaanbax aan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira Cudurka COVID-19, xili Musharaxiinta mar kale shaaciyeen in Jimcada soo socota Daljirka daah-soon uu ka dhici doono banaanbax.

Comments
Loading...