HomeWararWasiir Xundubey "Amniga waa loo siman yahay wax mucaarad iyo muxaafad quseeya...

Wasiir Xundubey “Amniga waa loo siman yahay wax mucaarad iyo muxaafad quseeya ma ahan”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Maanta ka hadlay amniga Caasimadda dalka dalka, xili la guda-galayo Doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sandkaan. Wasiir Xundubey oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sugida amniga Caasimadda dalka loo sigan yahay, laga doonayo cid kasta oo mucaarad ama muxaafad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Maanta ka hadlay amniga Caasimadda dalka dalka, xili la guda-galayo Doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sandkaan.

Wasiir Xundubey oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sugida amniga Caasimadda dalka loo sigan yahay, laga doonayo cid kasta oo mucaarad ama muxaafad inay ka qeyb qaadato sugida amniga.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiirka Amniga in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay sugida amniga, ayna mar kasta ka shaqeyneyso sidii loo sugi lahaa amniga, wuxuuna si u caddeeyay inay ka hortegi doonaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Xasan Xundubey ayuu tilmaamay in qofka dhibaatu ah ammaanka marka hore looga digayo wax uu wado, haddii uu isku diidana gacanta adeg lagu qaban doono, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Wuxuu Mas’uul kasta ee jooga Caasimadda dalka ama xil doon ah xiligaan ugu baaqay Wasiirka in looga baahan yahay inuu ka qeyb noqdo sugida, si shacabka Soomaaliyeed ee nabadgalyo ugu naaloodaan.

- Advertisement -

“Sugida amniga dalka waa loo siman yahay wax mucaarad iyo muxaafad quseeya ma ahan, wax kasta amniga wax u dhimaya waa ka hortageynaa, iyadoona welina qofka markii horey looga digayo ficilka uu sameeynayo” ayuu yiri Wasiir Xasan Xundubey.

Si kastaba hadalka Wasiirka amniga Xukuumadda Xundubey ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo Magaalada  Muqdisho uu shir uga socdo Musharaxiinta  u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo berri lasoo gaba-gabeyn doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts