Wasiir Ugaas Xasan”Ma ahan wax la aqbali karo in xilli habeen ah qof carruurtiisa lagu hor dilo”

Habeen ka hor ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta ee fariisinka ku leh Saldhiga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay degmada Walaweyn ku dileen Sheekh caan ka ahaa degmadaas.

Sheekha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Macallin Nuur Cismaan Bilaal,Maamulka degmada Walaweyn ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dilkasi ka dambeyay ay ka daba tageen,balse ay ugu soo jawabeen in Macalinka uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dilka Macalin Nuur Cismaan Bilaal ayaa abuuray xiisad cuusb,waxaana jawaab deg deg ah ka bixiyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyaga oo sheegay inaysan aqbaleyn in qof si gardaro ah loo dilo.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in maraba aan la aqbali karin in xilli habeen ah qof loo dhaco hadana la dilo.

“Ma aha wax la ogolaan karo in qof aan waxba lagu caddayn inta habeennimo loo soo dhaco reerkiisa iyo carruurtiisa lagu hor dilo, haddana warqad la dul saaro oo la yiraahdo annagaa dilnay” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaasi baaritaan ku sameyso ka koonfur Galbeed ahaana ay baaritaan ku sameyn doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor