Wasiir Somali-Kenyan sheegtay inay Qaxootiga Soomaalida culays ku yihiin.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shir Jaraa’id oo ay isla qabteen Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa, Nkosazana Dlamini Zuma, waxayna xustay inay Kenya haatan marti geliyeen 600,000 oo Qaxooti ah.

“Marti-gelinta Qaxootiga ku sugan Kenya waa mid culays nagu ah, arrintani ma ah Mas’uuliyad Qaran” ayey tiri Amina Mohamed, oo intaasi ku dartay inaysan xitaa mas’uuliyadda ahayn mid heer Gobaleed, balse ay tahay Mas’uuliyad Caalami ah.

Waxay kaloo  intaasi ku dartay  inay Dowladda Kenya kula heshiisay Dowladda Somalia iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) sidii loo dhamaystiri lahaa Dib-u-celinta Qaxootiga ku laabanayo Somalia bisha September ee sannadkan iyo in xilliga qaabilaadda Qaxootiga ku eg tahay bisha September ee sannadkan.

Sidoo kale, waxay difaacday go’aanka lagu kala diray Waaxda Qaxootiga Kenya, waxayna sheegtay inay Kharajka Canshuur-bixiyayaasha Kenya oo keliya lagu kharaj gareyn jirey Waaxdaasi oo isku xiri jirtey Dowladda Kenya iyo Hay’addaha Caalamka ee taageera Qaxootiga.

Dhinaca kale,  Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay Dowladda Kenya sheegtay inay si degdeg ah u xiri doonaan Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma oo ay tilmaameen inay Alshabaab ka hawlgalaan.

Hay’adda UNHCR wey beeniyeen Eedeymahaasi, iyadoo ay Xerooyinkaasi ku nool yihiin ilaa 600,000 oo Qaxooti u badan Somali horey uga cararay Dagaalladii Sokeeye ee dalkeenna ka dhacay muddo haatan laga joogo 25 sannadood.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor