Wasiir Sabriye oo ka qeyb galay Shir looga hadlayo A/qaxootiga Adduunka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Eng Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka guddiga sare ee fulinta hey’adda qaramada midoobay ee qaxootiga adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad ayaa waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyada oo uu Wasiir Sabriye ku matali doona Dalka Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media