Wasiir Maareeye oo ka hadlay Safarka la sheegay inuu Farmaajo ku tegayo Hargeysa

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta waxaa uu la hadlay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safar ku tegi doono Magaalada Hargeysa.

Wasiir Maareeye oo wareysi lala yeeshay ayaa waxaa uu sheegay in uusan wax war ah kaheyn Safarka la sheegay in Farmaajo uu tegayo Hargeysa, isla markaana arrintaas uu ka hadli karin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu tilmaamay in shacabka iyo Madaxda Somaliland looga baahan yahay inay iska daayaan buuqa badan ayna la yimaadan siyaasaad wanaagsan.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in hadii ay dhacdo in Madaxweyne Farmaajo uu tagayo Hargeysa aysan wax dhitaabo ah laheyn, isla markaana waxaa uu Somaliland uu ka codsaday inay soo dhaweeyaan Madaxweynaha.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland ay kulan ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagayo Hargeysa, hayeeshee waxaa arrintaas diiday Mas’uuliyiin iyo Hogaamiyeyaal xisbi oo ka tirsan Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media