Wasiir ka tirsanaa Maamulka Puntland oo xalay geeriyooday

Waxaa xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cabdilaahi Yuusuf dowlad, sida aan warar ku heleyno.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Axmed Cabdullaahi uu kusoo booday xanuun kedis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa, kadibna la xaqiijiyay inuu xanuukaas u geeriyooday xalay Wasiirkii hore ee amniga Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Marxuumka, isla markaana sheegay in mar qura la qabtay, ayna u timid qadarta Alle, sidaasina uu ku naf-waayay.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo maalo kahor gaaray Magaalada Garoowe ayaa tilmaamay in Marxuum Axmed Cabdullaahi dowlad uu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Garoonka Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka tacsiyeeyay geeridii xalay ku timid Wasiirkii hore ee amniga Puntland Axmed dowlad, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa waxa uu kamid ahaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaa  labadii sano ee u dambaysay, wuxuuna sidoo kale kamdi ahaa khuburadii dhanka ammaanka ee ku howlanaa tala bixinta ammaanka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media