Wasiirkii qorshaqeynta maamulka Jubbaland Aadan Aw-Xirsi ayaa maanta oo Jimca ah waxaa uu iska casilay xilkii wasiirnimo.
Aw-xirsi ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu ka tegay shaqadii Wasiirka qorsheyta Jubbaland kadib markii sida uu yiri maamulkiisu uu gacansiinayo nin ka baxsanaya caddaaladda isla markaana dembiyo galay sida uu hadlka u yiri.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twetterka ayuu ku yiri diyaar uma ihi in aan kasii mid ahaado maamul u dabaaldegaya nin baxsad ka ah cadaaladda oo dembiyo ka galay dadka oo uu ugala jeeday Wasiirka amniga Jubbaland oo maanta doon ay ka dejisay xeebta magaalada Kismaayo.
“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga ayuu yiri†Aw-Xersi.
Cabdi Rashiid Nuur Janan ayaa maalma ka hor ka baxsaday xabsi uu uga xirnaa magaalada Muqdisho iyada oo Taliyaha booliiska Sakiya Xuseen ay sheegtay in ay ku raad joogaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.