Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo tagay Laascaanood iyo Magaalooyin kale

Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa booqday magaalada Laascaanood iyo magalaooyin kale oo ka tirsan deegaannada SSC.

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa sheegay inuu ku soo arkay Laascaanood burbur ba’an oo dagaalladu sababeen iyo adeegyadii bulshada oo meesha ka baxay. Soomaliland ayuu ku eedeyay mas’uuliyadda dagaalka isagoo ku tilmaamay waxa halkaa ka dhacay xasuuq iyo isir-sifeen dad gaar ah, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka leedahay waxa laga yeelayo Laasacaanood oo muddo ay ku dagaallamayaan ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay qaadaneyso mas’uuliyeeda isla markaana haddii ay horey uga gaabisay xaaladda Laascaanood ay hadda diyaar u tahay in ay saxdo. Horey waxa amagaaladaas u tagay wefdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka.

Xildhibaannadan oo uu kamid ahaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay xilligaas inay Laasacaanood u tageen u kuurgalidda xaaladda ka taagan halkaas, Waxeyna kulamo la qaateen isimada gacanta ku haya magalaada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor