Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 38aad ee Kalfadhiga 6aad.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajanadaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa:
- Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta aad ee Hindise-sharciyeedkaan.
Intaa kadib ayaa waxaa laguda galay Su’alo weydiinta Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku aadanaa Hindise- Sharciyeedkan Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, iyagoona ka jawaabay.
Sdioo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno ayaa hor tegay Golaha Aqalka Sare.