Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo u sharaxan kursi ka banaan Golaha Shacabka

Maalinta berito ah oo Axad ah ayaa la filayaa in Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland ay ka dhacdo doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kurisgaas waxaa horay u baneeyey Ex-Xildhibaan Dhahar Cali Faarax kaas oo iska casilay,waxana haatan isku-soo sharaxay laba musharax oo mid ka mid ah uu yahay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u sharaxan inuu u tartamo kursigaas,waxaana shalay uu gaaray Magalada Garoowe halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay sheegeen in Dhahar Cali Faarax uu kursigaas uga tagay Wasiir Jamaal oo ay wada hadleen,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso inuu ku guuleyso Wasiirka,sidoo kale Ex-Xildhibaan Dhahar Cali Faarax loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor