Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Allaha u naxariistee Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa fiidnimada caawa ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu Caawa dhintay.

Geerida Wasiir Macalin Maxamed ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geeridan xanuunka badan ee wasiirka ku timid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media