Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo isku Casilay ballan qaadyo uu fulin waayay Guudlaawe

Wasiirkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa  ku dhawaaqay inuu xilka Casilay, uuna Warqadiisa is Casilaada u gudbiyey Madaxwene Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Cali ayuu ku faah faahiyay sababta keentay inuu xilka iska Casilo, wuxuuna marka hore sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu fuliyay ballan-qaadyadii uu ku tegay Baladweyne oo aheyd inuu saxayo awood qeybsiga Hirshabeelle.

Wasiirkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta Maamulka ayaa sheegay in muddo 25 Bilood uusan helin wax Mushaar ah ama guno ah, isla markaana uu horey u ogaa in Hirshabeelle ay heyso dhaqaalo xumo baahsan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu u sheegay Cabdikariin Cali inuu Go’aan ku gaaray inuu shaqada isaga tago, isagoona intaas kusii daray in dadkiisa aysan heysanin matalaadii ay ku lahaayeen Maamulka Hirshabeelle ama awood qeybsigii lagu ballamay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Cali Nuur

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor