Wasiir Juxa oo gaaray Doolow kuna wajahay Balad Xaawo

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaano iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa maanta gaaray Magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo shacabka.

Wafdiga ayaa Warbixin ka dhageystay Maamulka degmada Doolow oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socota waxaa lagu wadaa inay sidoo kale tagaan magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galaya muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan Darbi, waxayna kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo shacabka.

Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu shalay ku yeeshay Magaaladda Muqdisho waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay ,waxaana Gudiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media