Wasiir Goodax Barre oo la kulmay Guddiga Waxbarashada G/Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maagalada baladweyne kulan kula qaatay bahda waxbarashada oo ay ugu Horeeyaan gudiga waxbarashada Gobalka Hiiraan.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa iskulladii ku bur buray Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabelle iyo sidii ardaydii ka barakacay ay dib ugu bilaabi lahaayeen waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay waajib tahay horumarka waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan kulan kula qaatay Magaalada Baladweyne bahda waxbarashada gobolka Hiiraan. Waxaan ka wada hadalnay sidii aan dayactir ugu sameyn lahayn xarumaha waxbarashada gobolka oo burbur xoogan uu kasoo gaaray fatahaada wabiga shabeelle oo 86 dugsi oo ka mid ah dugsiyada kuyaalla magaalada iyo tuulooyinka ku hareereysan ay xirmeen, isla markaana ay ka tageen ardaydii dhiganeysay oo ay tiradoodu dhan tahay 27,500”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media