Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul ugu Jawaabay Taliyihii Booliska Dhuusamareeb ee xalay shaaciyay inuu xilka iska Casilay.
Wasiir Fiqi ayaa waxaa uu ku eedeeyay Taliye Burhaan Axmed ee xalay is Casilay uu ku eedeeyay inuu inkrirsan yahay Maamulkiisa ee uu la shaqeynayay ee Galmudug.
Qoraal ah oo uu kusoo qoray bartiisa Facebook Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayuu ku sheegay in Galmudug maalmahaan ay ku jiro daqiiqadaha ka horeeya inta uusan waagu beryin oo ula jeedo in Curdun yahay maamulka oo shaqooyin badan horyaallan.
Sidoo kale Fiqi ayaa tilmaamay in aan la arag Askari ama Sarkaal maamulkii uu la shaqeynayay u yaqaano kuwa Al-shabaab la shaqeeya.
“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida..Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Fiqi ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Taliyihii Booliska Dhuusamareeb ee Burhaan Axmed uu Saraakiisha Galmudug ku eedeeyay inay xabsiga kasii daayeen xubno loo soo xiray Al-shabaabnimo.