Wasiir Fiqi oo daahfuray Kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooyinka muhiimka ah ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in la helo Diiwaangelinta madaniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Guddiga Hagidda Diiwaangelinta Madaniga “Guddiga Hagidda Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimkaa (GDM) oo ka kooban dhammaan Hogaanka sare ee hey’adaha istiraatiijiga u ah hirgelinta Nidaamka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha, Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiir Axmed Moalim Fiqi ayaa tilmaamay muhiimada helida Diwaangalinta “Hirgelinta nidaam diiwaan gelin madani ah oo casri ah ayaa ka caawin doona Dowladda iyo Dadweynaha Soomaaliyeedba bixinta iyo helidda adeegyo hufan, nabad iyo xasillooni baahsan, Dalka Soomaaliyana uu ula jaanqaadi lahaa dalalka kale ee daafaha caalamka”

Ugu dambayn wasiirka ayaa u mahadceliyay gudiga farsamada ee fulinta siyaasada qaran ee diwangalinta  ” Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Farsamada ee fulinta siyaasadda qaran dadaalkii ay muddada sanadka ah ku bixyeen isku xirka hey’adaha shaqadan ay khuseyso, iyo diyaarinta shuruucdii iyo qorshayaashii lagama maarmaanka u ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor