Wasiir Cusub oo si rasmi ah xilka loo Magacaabay ula wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya  Abuukar Cismaan Dubbe ayaa maanta si rasmi ah xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa bogaadiyay shaqooyinkii hore uu u soo qabtay Wasiirkii hore ee warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoona Wasiirka cusub ee Wasaaradda kula dardaarmay inuu sii wado qorshaha dib u habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media