Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta oo Khamiis ah aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.
Labada Mas’uul ayaa ka waday intii martisoorka lagu guda-jiray xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo ka qeybqaadanaya kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.