Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Danjirayaasha dalalka Caalamka u jooga Muqdisho iyo Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Wasiir Cawad oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kale duwan oo qeyb ay ka ahaayeen qodobadii looga hadlay kulanka u dhexeeyay isaga iyo Danjirayaasha.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay arrimaha dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Jamhaauriyadda Guinea,isagoo sababta ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo uu xusay Wasiirka in Go’aankaas ay qaadatay dowladda aysan ka hadli karin cid kale,waxaana uu Digniin adeg u diray dalal dhowr ah,kuwaasi oo uu sheegay inay wadaan dhibaatooyin dhowr ah.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad tilmaamay in maamulka Somaliland uu ka mid yahay maamulada kale ee dalka,isla markaana aan loo baanheyn in dalal kale ay u soo dhaweeyn sida dowlad Madax banaan oo kale.
Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in dowlad walbo oo dooneysa in xiriir la sameeyo ay soo marto dowladda Soomaaliya,isla markaana la ilaalo Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.