Wasiir Cawad oo kulan la qaatay Safiirka Netherlands ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaagga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay arrimaha nabadgelyada, socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media