Wasiirka A/Gudaha Dowladda oo la kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa halkaasi uu ka bilaabay kulamo goobi gooni ah oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa waxaa uu Dhuusamareeb kula kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo hogaaminaya Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Xasan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qodoboada looga hadlay kulankaas,waxaana la sheegay in labada dhinca ay uga wada hadleen arrimaha Doorashada Galmudug iyo sidii Madaxda sare ee maamulkaas u aqbali lahaayeen in Bisha soo socota ee July 2019 la qabto Doorashada Madaxtinimada Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa Madaxda sare ee Galmudug ku qancinaya in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo haatan kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in muddo xil-heynta Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta Bisha soo socota,hayeeshee waxaa Go’aankaas ka hor yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media