Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 10 qof oo cusub 24kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,995.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 3 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo jooga Somaliland (3) qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,779.

Bukaannada cusub 2 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 1 bukaan ayaa u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 774 qof.

 

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, ayna qaataan talaalka cudurka oo laga heli karo Isbitaalada Martini iyo Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor