Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS” Guddiga doorashooyinka Qaranka manala tashadaan mana aqoonsanin”

War-Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa dhaliil xoogan loogu jeediyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

War-Saxaafadeedka oo uu sitoos ah ugu socdo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa lagu sheegay in Guddiga uusan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda xilliyada uu Shaqooyinka ka qabanayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka ayaa Wasaaraddu aad ugu dhaliishay Shaqooyinka ay ka qabtaan koonfur Galbeed iyo in aysan fulin balamadii hore loo galay ee wadashqeynta ah.

War-Saxaafadeedka oo aad u dheer ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed aysan aqoonsan doonin Shaqooyin kasta oo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka uu ka fuliyo Gudaha deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Warkaan Caawa kasoo baxay  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli shalay  Guddiga doorashada ay Magalada Baydhabo ku qabteen doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka,doorashadaas oo dhaliil laga keenay kadib markii Xildhibaanka guuleystay kaliya uu tartamay.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Comments
Loading...