War ay soo saartay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ciidamada qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaalka weyn oo ay ku badbaadiyeen nolosha dadweynaha kagana hortagay falal lidi ku ahaa amniga.
Sidoo kale,wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho,waxaana Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay,waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.
รย Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha:-